Weerar qorheesan oo dagaalyano katirsan xarakada al shabaab ay ku qaadeen xero ciidamada police-ka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Makowe ee dhaca jaziirada Lamu ee dalka Kenya halkaa oo dowlada Kenya ay sheegtay in ciidamadeeda booliiska ee xeradaasi ku sugnaa in weerarka ay iska caabiyeen.
Ilo katirsan laamaha booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rasaas lays weedaarsaday muddo 20 daqiiqo ah intii uu socday weerarka ay soo qaadeen xubno katirsan xarakada Al shabaab iyadoo dagaalkaasi ciidamada Kenya ay sheegeen in ay kaga awood roonaadeen dagaalyanada Xarakada Al shabaab kuwaa oo dib ugu laabtay goobtii ay weerarka ka soo abaabuleen.
Waxaa sidoo kale booliiska Kenya ay tilmaameen in weerarka ay ka war hayeen ka hor intii aan lagu soo qaadin xerada ay ku sugan yihiin iyadoo mid kamid ah saraakiisha booliiska Kenya uu fariin u diray laamaha amaanka si weerararka ay kaga warhayaan.
Waxaa sidoo kale ilaa imika aan jirin wax qasaaro ah oo laga soo tabiyay weerarkaasi oo soo kala gaaray dhinacyada rasaasta is weedaarsaday,dad kamid ah kuwa deegaanka oo warbaahnita la hadlay ay tilmaamay sidoo kale in in xalay oo dhan aysan hurdin cabsi ay ka qabaan in weerar la soo qaado.
Weerarka xerada ciidamada dowlada Kenya lagu qaaday ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyataa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al shabaab isagoo ku amray ciidamada Kenya in ay toogtaan dagaalyahanada xarakada al shabaab.
