Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey oo kulamo la qaatay shacabka iyo laamaha amniga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay qaabka ugu fudud ee Magalaadaas ay nabad ku noqon karto isla markaasna ay isla wada joogikaraan labada Maamul.
Eng Cameey ayaa sheegay in Puntland ay dadaal dheeri ah iyo waqti badan ku bixisay, haddana diyaar u tahay inay ku bixiso nabadgalyada Magaalada Galkaacyo ee Gobolka Mudug oo ay la wadaagaan Maaamulka Galmudug.
“ Waxaan u hureynaa Rabitaan, sugitaan iyo dulqaad intaba , waxaan jecelnahay ciddii ay arrintaan khuseyso oo ay ugu horeyso Galmuduginay sidaan noola fahamto, Madaxda Galmudug waan la hadlay, waxaana soo socdo madaxweyne ku xigeenka, anaga waxaan diyaar buuxda unahay in nabadgalyo waarta la helo, Nabadgalyada waxay runtii u baahan tahay in laga run sheego, hana la ogaado inaan Alle cidna Khiyaani karin, waxaa loo baahan yahay inwax dhab ah miiska lala yimaado Ujeedkeyna waa mid dhab ah, waa mid walaaltinimo, waa mid sokeeyanimo, Jaarnimo, nooc kasta oo nabad leedahay waan u mareynaa,dadkaan waa Candho iyo Caano, waa dad wada dhashay oo isku mid ah”
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Cameey ) ayaa sheegay In Puntland iyo waqti ay dhaqaalo ay ku bixin doonto sidii Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu dhigi lahaa meel amni,wuxuuna shacabka Magaalada ugu baaqay in laamaha amniga ay kala shaqeyaan sugida amniga.

