Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo Shir Saxaafadeed ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay soo laabashada Internet-ka Fiber Optic ee Soomaliiya oo muddo ku dhow 22-bari dalka ka maqnaa.
Wasiirka Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Eng Canshuur oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho in dowladda Soomaliya ay juhdi ku bixisay sidii loo heli lahaa Internet islamarkaana ay ku qaadatay soo celinta adeega internet-ka Muddo 22-bari ah.
Sidoo kale Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa soo bandhigtay qorshayaal loogu Gaashaankaro Ciladaha Internet-ka Soomaliya.


