Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa dib ugu soo laabtay goordhaweyd Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo 22 cisho ka maqnaa Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaliya.
adeega Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 25-kii bishii hore, waxaana laga baxay culeyskii maalmihii dambe laga dareemayay qadka.
Sidoo kale Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in Internet-kii uu dib u soo laabtay,waxayna qaarkooda ay sheegayeen in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay ay waayaan wax ay qabtaan.
Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegtay Markabkii ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xargihii Fibre Optic ee go’ay ayaa inuu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa
Taariikhda mar ay ku beegneed 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo xiranayay Dekeda la sheegay inuu jaray Xargihii adeega Fibre Optic.
Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda Soomaliya oo warbaahinta goordhaweyd shir saxaafadeed u qabatay ayaa sheegtay in lagu guuleystay dib usoo celinta adeega Internet-ka islamarkaana wixii xiligaan ka dambeeya uu shaqeynayo.

