Xeer-ilaaliyaha:-“Xildhibaanada Kuraastooda Lagu Muransan Yahay Kalfadhiya Halaga Saaro”,

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir  ayaa ku baaqay in lagu laabto doorashada 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu muranka ka taagan yahay.

Axmed Cali Daahir oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada 8-da ah loogu bahan yahay in ay tixgaliyaan go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka, islamarkaana ay ogolaadaan in doorashadooda dib loogu laabto si meesha loogu saaro muranka ka taagan sida ay ugu guuleysteen kuraasta.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir  ayaa arin fool-xun ku sheegay in laga talaabo amarka Maxkamada waxa uuna carabka ku dhuftay  in Guddoomiyaha Maxkamada uusan ka libiqsan go’aankiisa isla markaana fuliyo.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha wuxuuna sidoo kale ugu baaqay  Guddoonka Sare ee baarlamaanka in ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay banaanka usoosaaran Xildhibaanada qaabka Khaldan ku fadhiya Kuraasta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here