C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta mar kale hortagay Baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa sheegay in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu balan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaliya.
Turkiga ayaa bishii April ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeyso lacag gaareysa labo milyan oo dollar bil kasta, si ay kab ugu noqoto miisaaniyadda dowladda Soomaliya.
“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Wasiir Beyle oo maanta hor-tagay Baarlamaanka oo uu kaga jawaabayay su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

