Hogaamiye Kaalin Kasoo Qaatay Shirkii Mbaghati oo Geeriyooday

0

Magaalada Nairobi ee Caasiamdda Kenya ku Geeriyooday Bethuel Kiplagat oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay wadahadaladii nabadeed ee aakhirkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee C/llaahi Yuusuf hoggaaminayay.

Dowladda Kenya ayaa Bethuel Kiplagat ayaa u xilsaartay hanaankii nabadda ee Soomaaliya ee socday sanadihii 2003 – 2005, isagoo sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD u qaabilsanaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Danjire Kiplagat wuxuu door muhiim ah ka cayaaray wada xaajoodyadii nabadda ee dhex maray madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir iyo hogaamiyihii fallaagada John Garang.

intii u dhaxeysay 2009 – 2010-kii wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga runta, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta ee Kenya, xilkaas oo uu iska casilay markii lagu sameeyey baaritaanno ku lug leh eedeymo la xiriira tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan kaalin inuu ku lahaa xasuuqii Wagalla ee1984.

Mr. Bethuel Kiplagat ayaa ku geeriyooday isagoo jira 81 sano, waxaana la filayaa in aas qaran ay u sameyso dowladda Kenya,madaama oo Xilal badan kasoo qatay Xukumadihii dalkaas soo maray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here