Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamanka oo Ka Hor Yimid Mowqifkii Dowladda Khilaafka Khaliijka

0

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha shacabka C/qaadir Cosoble Cali ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay warqad ku saabsan khilaafka dalalka Khaliijka iyo walaac xubno ka tirsan Guddiga ka muujiyeen mowqifka ay ka qaadatay dowladda Federaalka.

Warqadaan ayaa la gaarsiiyay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa loogu baaqay in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneyso in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here