Maxkamadda dalka Sweden ayaa xukun xabsi daain ah ku ridday labo nin oo la sheegay in sanadkii 2013-dii ay u safreen dalka Syria iyagoona kasoo garab dagaalamay kooxda daacish ee ciraaq iyo Syria ka dagaalanta,
Maxkamadaan oo ku Taala degmada la Yiraahdo Goteborg ayaa xukun xabsi daain ah ku riday labo nin oo lagu kala magacaabo Hassan Mostafa al-Mandlawi oo 32-jir ah iyo Sultan al-Amin oo 32-jir oo maxkamada ay ku eedeysay in ay doonayeen in ay dilal ka fuliyaan Gudaha wadanka Sweden
Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamada degmada la Yiraahdo Goteborg Ralf G Larsson ayaa u sheegay TT news agency in baaritaano kadib ay Maxkamada ay ogaatay in ragaan ay ka Tirsanaayeen kooxda daacish iyagoona bariga dhexe u safray sanadkii 203-dii

