Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo dhawaan uu Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu u Magaaabay Gudoomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada Dowladda ayaa iska casilay xil uu Madaxweyne Farmaajo habeen ka hor u magacaabay.
Jen. Qaalib oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay inuu ka cudur daartay xilkaas loo magacaabay, isagoo tilmaamay in aan lagala tashan, magacaabidiisa ay ku dhacday qalad,sidaasna uu isaga casilay xilka loo Magacabay
Jeneraal Qaalib oo kamid ahaa Saraakiishi Hore ee Ciidamada Dowladda ayaa ka mid ahaa martidii lagu casuumay munaasabada, isla markaana si lama filaan ah Madaxweynaha ugu magacaabay xilkan, intii uu khudbeynayay, waxaana Jeneraalka uu la yaabay sida fudud ee loogu magacaabay xil aan laga tala gelin, isla markaana lagala tashan.
Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta dhismaha ciidamo qaran oo hela xuquuqdooda, iyadoo dowladda ay caqabado ka heystaan arrimo kala duwan.

