Maxaaabista Soomalida ee Ku Xiran Dalka Hindiyada oo Lasoo Deynayo

0

Safiirka Somaliya ee Hindiya Ambassador Abyan Maxamed Saalax oo shir la xiriira horumarinta iyo kor u qaadista caddaalada dumarka Soomaaliyeed kaga qayb-galeysay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa  ka warbixisay xaalad-da ay ku sugan-yihiin Somali la sheegay in ay u burcad- badeed ugu xiranyihiin xabsiyada dalka Hindiya, kuwaasi oo haatan ah xukun sugayaal.

Waxa ay sheegtay ambassador Abyan Maxamed Saalax Safiirka Somalia ee Hindiya in xabsiyadda dalka Hindiya ay ku xiran yihiin tiro badan oo ku eedeysan falal burcad badeednimo, islamarkaana dhawaan Maxkamadda Lasoo taagi doono.

“Tirada guud ee burcad-badeed-da ku xiran waxa ay gaaraysa 118 qof ,labo kamid ah waa ay geeriyoodeen , halka dhamaantood-na ay yihiin xukun sugayaal “ ayey tiri ambassador Abyan Maxamed Saalax oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Dhanka kale Safiirka Somalia ee Hindiya ambassador Abyan Maxamed Saalax waxa ay sheegtay in dhawaan dalka Hindiya uu gaari doono Wasiirka arimaha dibadda ee Somalia Yuusuf Garaad Cumar si uu heshiis is-afgarad ah ula saxiixdo dowladda Hindiya ,isla markaana loo sii daayo Somalida ku xiran xabsiyada dalkaas.

Ma jiraan maxaabiis u dhashay dalka Hindiya oo ku xidhan Somalia ,kuwaasi oo lagu badalan doono kuwa Somalia ,waxaana sida la sheegay lagu wadaa in heshiiska lagu soo daro qodobo ay kamid yihiin in Hindiya ay la wareegi karto wixii maxaabiis ah oo Somalia looga xiro mustaqbalka dhow si shuruud la’aan ah.

Dad lagu qiyaasay 6,000 oo Somali ah ayaa ku nool dalka Hindiya ,kuwaasi oo u badan arday, ganacasato iyo kuwa kale oo u yimid arimo caafimaad ,xilli  arday badan oo Somali ay sanad walba ka qalin-jabiyaan jaamacadaha dalkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here