Puntland oo Toogasho iyo Xabsi Daa’im Ku Xukuntay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

0

Maxkamada Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland, ayaa Toogasho iyo Xabsi Daa’im ku Xukuntay Xubno ka tirsanaa Xarakada Shabaab, kuwaas oo la qabtay sida la sheegay  xilli ay doonayeen inay qaraxyo soo galiyaan Boosaaso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Cawil Axmed Faarax ugu horeyntii Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadkaqaraxyada lagu qabtay laba ka mid ah ay Maxkamadu ku Xukuntay dil, halka saddex kalena Xabsi daa’im lagu Xukumay,

Faarax Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Maxamuud Xassan Ciise ayaa Maxkamadu ay Dil toogasho ku Xukuntay.

Xubnaha lagu Xukumay Xabsiga ayaa kala ahaa;

-Maxamed Cali Jibriil Xabdi.

-Yaasiin Dhaqane Cabdi.

-Iyo Cabdi Ibraahim Aadan.

Dhanka kale Maxkamada ayaa Gaadiidkii ay wateen oo isugu jiray Candhamaydlayaal iyo Kabta Buudkagaariga loo yaqaan ku wareejisay Hay’adaha amniga.

Maxkamada ayaa Xoriyadooda dib ugu soo celisay saddex Xubnood oo iyana kueedeysnaa inay Daacish ka tirsanaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here