Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeyn diyaaradeeda ay ka fuliyeen tuuladda Kunya Baroow ee u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee lasoo gaabiyo (Afrikom) ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday saqdii dhexe ee xalay islamarkaana lala beegsaday Sarkaalkii ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab iyo ilaaladiisa.

“Waxaa baaritaano ku haynaa  qasaaro rasmiga ee ka dhashay duqeynta ka dhacday Tuuladda Kunya Baroow ee u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa fuliyay duqeytaas Diyaaradaha aan cidna wadin ee Mareykanka leeyahay ee loo yaqaano Drone”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Mareykanka.

Deegaanka duqeynta ka dhacday Tuulada Kuunyo Barow  ayaa waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, waxaa la sheegay inay aad ugu dhow dahay, halkii sanad ka hor lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabayay C/llaahi Xaaji Daa’uud oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay duqeyn la beegsadeen gaari uu la socday.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada  Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here