Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheye waxaa xabsiyadda dalkaas laga sii deyn doonaa labo maalin kadib Maxaabis Soomaliyeed oo la sheegay in wax dambi ah lagu waayay.
Maxaabista ku Xiran dalka Ethopia oo kor u dhaafaya 120-Maxbuus ayaa la sheegay in ay kasoo mid noqon doonaan Wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya ee dhawaan kusoo laaban doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
“Nasiib wanaag Wafdiga Raiulwasaaraha Soomaliya ee kusoo laabanaya Magaalada Muqdisho waxaa kamid noqon dooona Maxaasib Soomaliyeed oo ku xirnaa dalka ethopia, Maxbuus kasta oo Soomaliyeed oo dal kamid ah wadamada aduunka ku xiran haku bishaareysto in uu helay dowladd Soomaliyeed oo aan raali ka aheyn in muwaadiniin Soomaliyeed ku xirnaadaan wamada Shisheeye”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheye

