Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Hadlay Qaraxyada Dhacaya+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho aanay saameeyn ku yeelan doonin dhaqdhqaaqa ka jira Magaalada.

Xili uu Shalay kormeer shaqo  ku tagay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayuu gudoomiyaha  u guur galay hamsami u socda howlaha suuqa, wuxuuna Ganacsatada kala sheekeystay dhibaatooyinka so foodsaara Xiliyadda qaar.

Gudoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan marnaba aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaliya ee ku nool magaalada Muqdisho,islarmarkaana ay ka hortagi doonaan cid walba oo isku dayda dhibaateeynta shacabka ku nool Gobolka.

“Al-shabaab haatan waxa ay usoo jeesteen dhibaateynta Shacabka Soomaliyeed, ayagaan u adeegnaa shacabka Soomaliya, ma yeeli doono in caruurta soomaliyeed agoomo laga dhigo oo Al-shabaab ay laayaan waalidiintooda, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo dhabar jari lahaa Al-shabaab”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho, bishaan gudaheeda Magaalada waxa ay ka geystaan 3-qarax kuwaasi oo lagu laayay shacab Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here