Farmaajo oo Uganda Kala Hadlay Siideeynta Soomaali Ku Xirn Xabsiyada dalkaasi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni  siideeynta Soomaali ku xirn xabsiyad dalkaasi, kuwaasi oo ku eedeysan falal Argagixisnimo.

Abdi Nuur Maxamed Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaliya oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo markuu soo dhamaaday kulankii qaxootiga loogu hadlay ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni, iyagoona kawada hadlay arriimaha Soomaliya sida amniga, iyo sidii Uganda ay u sii deyn laheyd Soomali ku eedeysan dambiyo kala duwan oo ku xiran xabsiyadda dalkaas.

Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaliya wuxuu sheegay in Madaxweyne  Maxamed C/laahi Farmaajo uu kaga mahadceliyay dhigiisa dalka Uganda kaalinta dib usoo celinta Nabadda Soomaliya uu ka qaadanayo,madaama wadanka Uganda uu yahay dalkii ugu horeeyay ee Ciidamo usoo dira wadanka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here