Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Hadashay Saldhiga Turky-ga ee Soomaliya

0

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumada Somalia Yuusuf Garaad Omar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay  qorshaha Dowladda Turky-ga ay magaalada Muqdisho ugu furanayso Saldhig malatari ay maamuli doono kaasi oo dhismihiisa lasoo gaba-gabeeyay

Wuxuu sheegay Wasiirka arrimaha Dibada Somalia Yuusuf Garaad Omar in qorshahaasi uu yahay mid ay horay uga wada hadleen dowladaha Somaliya iyo Turkiga, maadaama Somalia ay baahi u qabto Saldhig iyo Saraakiil u tababara ciidamada.

Sidoo kale Yuusuf ayaa sheegay in  Saldhiga Malatari ay Dowladda Turky-ga ka furanayso magaalada Muqdisho uu Dowladda Soomaliya ay ka faaidi doonto In ay ka baaqsato ciidamada dowlada ee tababarada dibadda loo qaadi jiray.

Waxa uu ka gaabsaday Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada Soomaliya xiliga rasmiga ah ee la furi doono Saldhiga Malatari, balse waxa uu sheegay in furitaanka Saldhiga uu noqon doono bilaha fooda nagu soo haya.

“Dowladda Turky-g waxa ay Kaalin mug leh ay ka qaadanaysaa kobcinta ciidamada Qaranka si loo helo ciidamo tayo leh oo dhan waliba ka dhisan, dowladda Soomaliya waxa ay abaal u haystaa Shacabka iyo Dowladda turkey-ga ee ku aadan garab istaaga Dowladda Soomaliya”, ayuu yiri Yuusuf Garaad Omar la hadlayay Wakaalada wararka Turkiga.

Dowladda Turky-ga ay Magaalada Muqdisho ka bilowday Dhismaha Saldhig Malatari kaasi oo sidoo kale noqnaya suuq ay ku iibsato hubkeeda, waxaa sidoo kale tababaro lagu siin doonaa Ciidamada Dowladda Soomaliya si ay amaanka dalka Soomaliya ugula wareegaan Ciidamada AMISOM.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here