Dowladda Soomaliya oo Lacago Ugu Yaboohday Qaxootiga Uganda

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  Shirkii Qaxootiga  ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda Ku yaboohday $100,000 arrintan ayaa qayb ka ah lacago arrimaha qaxootiga wax looga qabanayo oo ay Ku deeqeen wadamadii ka qaybgalay shirkaas.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Abdinur Mohamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Soomaliya ay qeyb ka noqotay dalalka lacagaha bixiyay si wax loogu qabto qaxootiga Soomaliyeed ee lagu dhibaateysan dunida.

“Maadaama qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 40 kun ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga dalka Uganda, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaranyahay in ay ka qeyb qaadato yabooha loo sameynayo qaxootiga ku nool dalkan, waxaana dowladdu bixin doontaa $100,000 (Boqol kun oo Doollar)”, ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Abdinur Mohamed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here