Akhriso:-Is bedel Lagu Sameeyay Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Kan Jowhar

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu dhameystiray Xubnaha Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ee Heer Gobol, iyadoo Madaxweynaha Horey uu u magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Mudane Axmed Meyre Makaraan.

Sidoo Kale Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu cadeeyay in lakala direy maamulkii hore ee degmada Jowhar iyadoo lamagacaabay maamul cusub.

Maamulka Gobolka Shabelaha dhexe ayaa loo magacaabay sidan

  • Maxamed Cabdi Sheekh Nuuni guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada gobolka Sh/dhexe.
  • Nuur Maxamed Absuge guddoomiye ku xigeenka amniga.
  • Cabdullaahi Sheekh Yusuf Caloof guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Sh/dhexe.

Maamulka degmada Jowhar

  • Cismaan Maxamed Muqtaar(Baarey) Guddoomiyaha degmada Jowhar.
  • Abshir Caddow Hiraabe gudoomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasadda.
  • Saalax Maxamed Xasan guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga.
  • Ismaaciil Warsame Faarax guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda
  • Jibriil Xaraare Maxamuud guddoomiye ku xigeenka Bulshada.
  • Cabdulaahi Muxidiin Xuseen Xoghayaha dowlada
  • Saalax Muudey Cali duqa magaalada Jowhar

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here