Mareykanka oo Liiska Argagixisada Ka Saaray Sheekh Mukhtaar Roobow

0

Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, horeyna usoo noqday Afhayeenka Al-shabaab.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka islamarkaan ay baahisay Laaanta afka Soomaliga ee  VOA ayaa lagu sheegay  in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Federalka Soomaaliya, isla markaana uu qilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Hoggaanka Xarakada Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in qilaafka xoogan uu kala dhaxeeyay Hoggaamiyihii hore ee Xarakada  Al-Shabaab ee duqeynta lagu dilay Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here