Faah-faahin:-Qarax Lagu Weeraray Saldhiga Degmada Waabari

0

Gaari Noha ah oo lagu soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay agagaarka Saldhigga Waaberi halkaas oo ah meel aad u mashquul badan isla markaasna ay ku yaalaan goobo ganacsi oo u badan carwooyin.

Saldhiga Degmada Waabari oo ku yaala wadada Dabka ayaa la sheegay in gaariga Nohada lagu dhuftay afafka hore, islamarkaana uu jirey qarax kale  oo ka dhacay goobta.

Wariye ka Tirsan Idaacadda Simba oo ku sugnaa goob aan sidaas ugu fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay in gaariga Nohada ah marka hore lagu qarxiyay agagaarka Saldhiga islamarkaana qaraxa labaad uu goobta ka dhacay.

Wariyaha ayaa sidoo indhihiisa waxa ay qabteen dhaawaca 8-qof oo shacab u badan kuwaasi oo ka ak dhawaa Saldhigga degmada Waaberi oo ku yaala Gudaha degmada Waabari.

Gaadiidka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu gurbinayaa dhaawacyadda dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay Saldhiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here