Al-shabaab oo Soo Bandhigay Magaca Ninkii Fuliyay Weerarkii Degmada Wadajir

0

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca iyo beesha uu kasoo jeeday shaqsigii fuliyay weerar ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Maqal laga sii daayay Idaacadda ku hadasho afka Al-­shabaab ee Andalus ayaa sheegtay in weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Degmada Wadajir uu ahaa mid Barakaeysan islamarkaana lagu laayay Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

Al­-shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas ismiidaaminta uu fuliyey Abuukabar Cusmaan Cali oo Al-­shabaab dhexdeeda looga yaqan (Macalin Yaasir) kaasoo u dhashay Beesha Shiikhaal oo kamid ah beelaha Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here