Somaliland Oo Codsatay In Wada-Hadal Ay Lagasho Dowlada Somaliya

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay doonaan wadahadal lala galo dowlada federal-ka soomaaliya oo ku saabsan arimaha amaanka,wada shaqeynta ku aadan dhanka dhaqaalaha iyo horumarka.

Wasiirka u qaabilsan maamulka Somaliland arimaha dibadda Sacad cali shire  oo ka hadlayay sanad guuradii 26-aad ee ka soo wareegatay markii Somaliland ay ka go’aday jamuuriyada soomaaliya isaga oo munaasabaadaasi kala qeyb galay jaaliyada maamulka Somaliland ee ku sugan  magaalada London ee dalka Britian  ayaa  sheegay in maamulkiisa uu kor u qaadi doono wada hadalo mustaqbalka dhaw ay lagaalan dowlada federalka ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmajo si wada shaqeyn ay u dhex marto.

“Waxaan wada hadal la bilownay dowlada soomaaliya 2012-kii waxaana laheyn wada hadal joogto ah ilaa hadda, laakiin arimaha ku saabsan duulimaadyada hawada waxba maan ka gaarin,waxey nala tahay in dowladii hore wada hadalada aysan dhab ka aheyn.-Dowlada hadda jirta waxeey sheegtay in ay si aad ah u dooneyso wada hadal sidaas darted waxaan rajeyneenaa in horumar wanaagsan aan ka sameyno wadahadalada.” Sidaas waxaa yiri Sacid Cali Shiri oo u qabilsan arimaha dibadda maamulka Somaliland.

Waxaana uu tilmaamay in arimaha ku saabsan madaxbaanida somalialand in aysan lagali doonin  dowlada  Federaalka soomaaliya.

Waxaa wasiirka arimaha dibada Somaliland uu ku  booriyay beesha caalamka  in ay cadaadis ku saaraan dowlada soomaaliya si wadahadalo wax soo saar leh loo gaaro.

 W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here