Inta la xaqiijiyay 11-qof ayaa ku dhimatey oo la kala garan La’ yahay Meydadkooda,22 kalena way ku dhaawacmeen oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada kadib markii qarax gaari Caasi ah laga soo buuxiyay lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta degmada Wadajir.
Qaraxa oo Gaari caasi ah lagu soo raray islamarkaana qudaar siday ayaa lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta Degmada Wadajir,waxaana xiliga uu qarxa dhacayay la xaqiijiyay in suuqa uu ahaa mid mashquul badan, sidoo kalana waxa mashquul laga dareemayay xarunta Degmada oo xiligaas laga bixinayay kaarka Cuntada.
Xarunta Degmada Wadajir oo qaraxa uu ka dhacay waxa ay ku taalla dhabarka dambe ee Suuqa weyn, sidaasina uma kala fogo labada xarun, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay haatan ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda Qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.
War laga baahiyay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Ruux naftiis hure ah uu gudaha ugalay xarunta degmada Wadajir oo xilligaasi ay ku shirayeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha Dowladda waa sida hadalka ay u dhigeen Al-shabaab.











