Faah-faahin:-“Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho”,

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari Caasi ah  laga soo buuxiyay in lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn  xarunta degmada.

Jugta qaraxa oo si weyn loogu maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka banaadir ayaa waxa la xaqiijiyay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn  xarunta degmada Wadajir.

Xarunta Degmada Wadajir  oo qaraxa uu ka dhacay waxa ay ku taalla dhabarka dambe ee Suuqa weyn, sidaasina uma kala fogo labada xarun.

Goob-joogayaal ku sugan goobta uu qarxa ka dhacay ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha islamarkaana lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn  xarunta degmada Wadajir.

Waxaa Sidoo kale la xaqiijiyay In uu jiro Khasaaro  dhimasho iyo dhaawac aad u weyn oo soo gaaray dadkii Suuqa ku ganacsanayey oo u badnaa kuwa Khudaarey ah maadaama Xarunta iyoSuuqa ay aad isugu dhow yihiin.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Wadajir aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan qaraxa ka dhacay meel aan sidaas ugu fogeyn  xarunta degmada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here