Xildhibaano iyo Wasiiro Ka Tirsan Hirshabeelle oo Gaaraya Gobalka Hiiraan+Dhageyso

0

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa ku Wajahan Gobalka Hiiraan Gaar ahaan Deegaanadii Dhawaan ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka ka soo kala Jeeda Magaalooyinka Baladweyne iyo Guriceel oo kala Tirsan Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

Xildhiban Ibraahim Maxamed Dadoow oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle islamarkaan qeyb ka ah Mas’uuliyiinta gaaraya deegaanka Baan-yaaleey iyo Tuulooyinka Hoos yimaada ayaa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u Sheegay inay Qeyb ka Qaadan Doonaan Wada hadalada Dhinacyada Dagaalamay.

Xildhibaanka aya Sheegay in Maamulka HirShabeelle oo Wafdiga uu Xil saaray ay wehlin doonaan Ciidamo gaar ah oo loo xil saaray inay ka howlgalaan Deegaanada Shaqaaqadu ay Maalmahaan ka jirtay kuwaas oo ay Caawin doonaan Saraakiil ka socota Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika  AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here