Dawladda oo Ku Dhawaaqday Mudada Lasoo Gaba-gabeyn Doono Howlgalka+Dhageyso

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale ( Islow) ayaa sheegay in Dowldda Soomaliya ay dhawaan soo gaba-gabeyn doono Hawlgalka Amaanka lagu sugayo ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan guulo laga gaaray howlgalada xasilinta Caasimadda magaalada muqdisho ee dhawaan Dowladda Soomaliya ay ku dhawaaqday,islamarkaana shacabka Soomaliyeed loogu baahan yahay in mudada yare ee ka harsan holwgaladaas in ay dulqaad iyo adkeysi ay muujiyaan.

““Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeyaa ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga”, ayuu yiri wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here