Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxaa uu qaaday masuuliyadda xanaaneynta carruurta agoon ah oo ku jira xarun lagu xanaaneeyo oo ku taal degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose.
Agaasimaah warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayaa booqday halkaasi waxaa uu ku wareejiyey masuuliyiinta xarunta lacag Madaxeynuhu ugu talagalay in caruurtaasi ku ciido, ilma kasta waxaa kusoo aaday $110.
“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli”, ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.
“Waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”,

