Dowladda oo Ka Hadashay Qabashada Madaxii Amniyaadka Al-shabaab+Dhageyso

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka la hadlay howlgal ay Ciidamada Dowladdda Soomaliya ay maanta ku qabteen madaxii Amniyaadka Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed Ciise (Tarbuun).

Wasiirka ayaa sheegay C/wahaab Khaliif Axmed Ciise (Tarbuun) oo Al-shabaab u qaabilsana dhibaateynta Shacabka Magaalada Muqdisho gacanta lagu dhigay waa siduu hadalka u dhigee,islamarkana lagu qabtay Howlgal laga sameeyay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay sarkaalkaan ku raad-joogeen mudooyin kii ugu dambeeyaya islamrkana uu maleegay dilal ka dhacay Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here