Islow:-“Waxaan Dhagaxda ugu Xirnay Wadooyinka Waa Nafbadbaadin”,+Dhageyso

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa ka hadlay Dhagaxda dhawaan lagu gooyay qaar kamid ah wadooynka Muhiim ah.

Wasiirka ayaa sheegay in taalabadaan ay Dowladda Soomaliya ay u qaaday si loo badbaadiyo Shacabka Soomaliya xiliyadda ay dagaalyahadda Xarakada Al-shabaab ay weeraradda iyo qaraxyadda ay ka geystaan Maglada Muqdisho.

“Waxaan Dhagaxda ugu Xirnay Wadooyinka Muqdisho Waa Nafbadbaadin, waa  ogtihiin Al-shabaab ragga la yiraahdo way kordhiyeen qaraxyadda iyo weeraradda”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya.

Isgoysyada Danwadaagaha ilaa Isgoyska Zobe ayaa dhagaxaan lagu gooyay, waxayna arrintan kentay inaysan gaadiidku ka leexan Karin,Waxaa kaloo la jaray dhammaan jid-caddeyaashii dhex marayay wadadda Isgoyska Banaadir ilaa Isbitaalka Ex-Digfeer  iyo Isgoyska Tarabuunka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here