Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay gacanta ku dhigeen Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta caasimadda in sarkaalkaan ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana Al-shabaab u qaabilsanaa dhibaateynta Shacabka Magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigee Wasiirka.
Wasiirka ayaa magaca Sarkaalka la qabtay ee Al-shabaab ka Tirsanaa ku sheegay C/wahaab Khaliif Axmed Ciise (Tarbuun) waxana lagu qabtay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho sida uu sheegay wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya Islow.

