Hay’adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ee laga leeyahay dalka isutaga imaaradka carabta ayaa sheegtay in ay cunooyin u qeybsisay ardayda agoomada ah ee dhigta iskuulada Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ee ka dhisan gudaha dalka soomaaliya.
Deeqdan loo qeybiyay ardayda agoomada ah ee dhigta iskuulada hay’adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ee dalka soomaaliya ayaa sidoo kale timid iyadoo dalkaasi laga bilaabay uruurinta deeq loogu talagalay dadka soomaaliyeed oo abaaruhu ay saameeyeen.
Waxaa madaxweynaha dalkaasi sheikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan uu sheegay in dowlada isutaga imaaradka carabta ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka soomaaliyeed oo sanadihii ugu dambeeyay.

