Puntland oo Xaqiijisay in Ciidamo Ka Tirsan Daacish ay Gudaha u Galeen Qandala

0
An image grab taken from a propaganda video uploaded on June 11, 2014 by jihadist group the Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL) allegedly shows ISIL militants gathering at an undisclosed location in Iraq's Nineveh province. Militants took control of the Iraqi city of Tikrit and freed hundreds of prisoners today, police said, the second provincial capital to fall in two days. AFP PHOTO / HO / ISIL-/AFP/Getty Images

Iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish ay galeen dagmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan raggaas ka tirsan daacish ee halkaa tagay.

Wararka idaacadda simba ay ka helayso Qandala ayaa sheegaya in tiro ciidamo ah oo ka tirsan Kooxda Daacish ay saacadihii ugu dambeeyey ay tageen degmada iyo deegaanada hoosyimaada,kuwaasi oo la sheegay in dhawr jiho ay ka galeen,waxaana la tilmaamayaa in ay ka tageen degmada Xarar dheere deegaanno hoosyimaada sida dadka deegaanka iyo masuuliyiin Puntland ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Sidoo kale warar kale oo aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidamada Daacish ee gaaray degmada Qandala ee Gobolka Bari ay ka kala yimaadeen dalalka Yeman iyo Syria xalay illaa aroortii hore ee saakana ay doomo ku imaanayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa hadda kacsan abaabul dagaal iyo cabsi ayaa ka jirta magaalada,dadka deegaankuna waxay ka cabsi qabaan inay saameeyaan dagaallo halkaa ku dhax-mara ciidanka Puntland oo aan ka fogeyn iyo Daacish-ta halkaa tagtay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ayaa dhankooda xaqiijiyey jiritaanka warkan ku aaddan in ciidamo ka tirsan Urur diimeedka Daacish ay gaareen degmada qandala sida uu idaacadda Simba u sheegay masuul ka mid ah Maamulka degamada Qandala oo diiday inaan magaciisa adeegsanno.

Dhinaca Kale wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland ayaa maanta gaaray Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari halkaasi oo maalmihii dambe ay ka taagneyd xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here