Dowladda Turkey-ga ayaa maanta ku wareejiysay Dowladda Federaalka Soomaliya markab sida Gargaar kala duwan oo dhawaan kuso xirtay Dekadda magaalada Muqdisho.
Munasaabad kooban oo ka dhacday Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya oo ugu horeeyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Abaaraha iyo ka hortaga Musiiboyinka Dibiiciga ah, Cilmi Cumar Caynsane, iyo Safiirka Turky-ga ee Soomaliya.
Ugu horeyntii Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in markaan sida gargaar-ka ay Dowladda turkey-ga ugu Talagashay maamul goboleedyadda dalka ka jira, islamarkaana wakiil loogu dhigay Dowladda Dhexe.
Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Abaaraha iyo ka hortaga Musiiboyinka Dibiiciga ah, Cilmi Cumar Caynsane, ayaa dowladda Turky-ga kaga Mahadcliyay gargaar-ka ay ugu talagashay Shacabka Soomaliyeed, wuxuuna sheegay In si cadaalad ah loogu qeybin doono Maamul goboleedyadda dalka ka jira.





