Dowladda Soomaliya oo Wada Dadaal Lagu Badbaadinayo Dad Magafe Haysto+Dhageyso

0

Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ay jiraan dadaalo lagu soo samata bixiyo ku dhowaad 200 muhaajiriin ah oo ka yimid Somalia iyo Ethiopia kuwaasoo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Libya, sidoo kalena ay madaxfurasho ka dalbanayaan.

Dhinaca kale, safaaradda Somalia ee Libya ayaa sheegtay in dadkaasi lagu hayso meellaha ay ka taliyaan mucaaradka Libya, isla markaana ay adag tahay inay dadkaasi wax u qabtaan mar haddii aanay tagi karin halkaasi oo aan loo oggoleyn.

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Libya Muxyadiin Kaalmooy oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay ku howlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa ku dhowaad 200 muhaajiriin ah oo ka yimid Somalia iyo Ethiopia kuwaasoo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Libya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here