Markab Laga Leeyahay Germalka oo Ka Baxay Howlgalka La Dagaalanka Burcad badeeda

0

laga leeyahay dalka Germany kana mid ahaa dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Soomalida ayaa dib ugu laabtay dalkaas.

Markan oo lagu magacaabo  P-3C Orion, ayaa ah nooca ay Diyaaradaha ka dul haadaan,waxaana uu fadhiyay 3-dii bilood aynu soo dhaafnay xeebta Dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka Saarnaa Markabka Henry Poenisch oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay farxad u tahay in uu la shaqeeyo saaxiibadii sidoo kalena safarkoodii Soomaaliya nabad ugu soo dhamaaday.

Henry Poenisch ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ku harsan howlgalka in ay shaqada sii wadaan ilaa laga cirib tiro Burcad badeedda Soomalida oo dhibaatooyin kala duwan ku haya Maraakiibta isticmaasha Biyaha Soomaliya.

87-shaqaalo ayaa ka howlgalayay Markab laga leeyahay dalka Germany

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here