Mohamed Ali Guyo ayaa loosoo soo magacaabay Ergayga cusub ee Urur Goboleedka IGAD Soomaliya u fadhin doono kadib kulan Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalda Addis ababa ee Caasimadda dalka Ethopia.
War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa waxaa magaca Soomaaliya lagu sheegay labo jeer, marka la sheegayey ka soo qeybgalka ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre iyo ergey gaar ah oo IGAD u soo magacawday Soomaaliya, inta kale waxaa looga hadlay Koonfurta Suudaan iyo dalal kale.
Mohamed Ali Guyo Ergayga Cusub ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa xilka ka badali doono Maxame Cabdi Afey oo dhawaan loo magacabaay Ergeyga Cusub Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya islamarkaana sanado soo ahaa Ergayga CUrur Goboleedka IGAD Soomaaliya.

