Waraabe:-“Soomaliya Waa in Xiriirka u Jartaa Qatar, Hal Sabab oo Jirta”,+Dhageyso

0

Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay arrinta Qadar ayaa sheegay in maamulka Somali-land uu qaatay go’aan wanagsan ee ku aadan in xiriirka loo jaro Dowladaas  isamarkaana Somali-land ay dhaqaalo ka hesho wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

“Inaga Sacuudiga, illaa boqor Sucuudkii asaasay Sacuudiga dadkeena waa la shaqeynayeen,Khaliijka oo aad ogtihiin qoladaan Imaaraadka, waa wadanka maanta inoogu badan ee aan Investment iyo Base-ka yeelanay weeye, marka Saaxiibkaa iyo isqabsadaan inaadeerkii, dee saaxiibkaa baa raacaysa, Soomaaliyada lagu sheegaya istaraatijayadu waa xageena, hadaa eegtaan iminka diyaaradaha eega, programka sheegaya diyaaradaha cirka maraya, diyaaraduhu %95 inaga ayeey ina maraan cirkeena, Wajahada dalkii Soomaaliya la oran jiray Istaraatijiyadu waa xageena weeye”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka  Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliya labada webi moojaane wax faa’ido oo lagu sheego aysan ka jirin, laakiin macdan ahaan istaraatiji ahaan, laga helo Somali-land.

“Waxaan ka xumahay in xisbigii kale ay isku mowqif noqdeen Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ee been beenta ah ee aan jirin, dal lahaysto oo hadana la leeyahay waa dowladd waa ii kow, oo diyaarado iska raac raacaya”ayuu mar kale yiri Hogaamiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka  Faysal Cali Waraabe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here