Gudoomiyihii Hore ee baarlamanka dalka Kenya Faarax macalin ayaa Dowladda Federaalka Soomaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ku aamay qaabka uu go’aan ugu qaatay Khilaafka Siyaasadeed ee xiligaan u dhaxeeya wadamada khaliijka.
Faarax ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaatay go’aan kii ugu mudnaan in la qaato islamarkaana dowladda Soomaliya dhex-dhexaadnimada ay muujisay ay tusaale u tahay in laga baxay xiligii hayi raaca la ahaa.
“Farmaajo wuxuu soo celinaya Muqaalkii Soomaaliya ku lahayd fagaarayaasha Caalamiga ah ee aduunka, wuxuu diiday in ay wax u yeeriyaan Bisadaha buurbuuran ee Khaliijka, wuxuuna joogteeyay saaxintinimada Qadar”.ayuu yiri Faarax Macalin.
Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay qilaafka Siyaasadeed ee wadamada Khaliijka u dhaxeeyo, inkastoo Sacuudiga iyo dowladdo kale ay ku cadaaninayaan Soomaliya in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.

