Raisulwasaare kheyre oo Ka Qeyb Galay Shir Madaxeedka IGAD+Sawirro

0

Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa Magaalada Adis ababa ee caasimadda Ethopia kaga qeyb galaya shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD  oo ka dhacay magaalada Magaaladaas.

Shirkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa todobaad ka hor ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna Madaxa IGAD, waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Sudan Omar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Uganda Yowere Museveni, Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan, Wasiirda Arrimaha Dibadda Kenya iyo Jabuuti, wakiilo ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, UK, US iyo Norway.

intuu shirka ayaa diirada lagu saaray arrrimha xasarada ka aloosan koonfurta dalka Soomaliyeed, iyo sidii xal buuxda loogu gaari lahaa.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu Bulshada Caalamka u sheegay in Soomaaliya horusocod ka jiro iyo abuurista Nabad, si loo helo Nabad, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer koonfurta iyo madaxdooda in ay nabada ka shaqeeyaan.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed qodobo badan ka kooban oo ku aadanaa xaalada Koofurta Sudan iyo sidii xal looga gaari lahaa, waxaa lagu soo dhoweeyay dadaalo nabadeed iyo xabad joojintii uu ku baaqay Madaxweyne Salva Kiir.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here