Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo Guudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow oo dhawaan loo magacaabay Gudoomiye.
Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada beledweyne kusoo dhaweeyay maamulka heer Gobol Iyo Heer Degmo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada soomalia.
Guudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow iyo Mas’uuliyiin la socotay ayaa loo galbiyay intaas kadib xarunta Magaalada Beledweyne halkaas oo soo dhaweyn ay ugu sameeyeen dadweyne aad u fara badan iyo Mas’uuliyiin.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow ayaa umahad Ciliyey Dhamaan dadkii ka qeyb qaatay soo dhaweeyntiisa waxa uuna tilmaamay in maamulkaasi uu ku dadaali doono sidee uu ku qanci lahaa dhamaan cid kasto oo tabasho ka qabta.















