Dowlada Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Malaayiin dollar ay ugu deeqday Howl-galka Nabad ilaalinta Amisom

0

Dowlada Shiinaha lacagtaasi waxa ay ku sheegeen in ay gaareyso 2.2million oo doolar waxaana ay lacagtaasi ugu talagaleen xasilinta iyo nabada dalka soomaaliya.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay midowga afrika ayaa lagu yiri in dhamaan shaqaalaha Amisom loogu deeqay qarash dhan 2.2miliion oo dollar madaxda Amisomna ayay soo gaartay lacagtaasi.

Waxaa kaloo 1 million loogu deeqay ciidamada qaranka soomaaliya lacagahaasi oo dib loogu dhisaayo.

Madaxda midowga afrika ayaa deeqdaan lacagta ah ka mahad celiyey ee shiinaha ugu deeqay Amisom.

Dalka soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo ka socda Afrika oo tira ahaan gaaraya 22,000 oo askari waxaana ay ka kala yimaadeen dalalka Uganda, Burundi,  Djabouti, Kenya iyo dalka Ethiopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here