Wasiir yariisow:-“Beel hebel Laguma Beegnayo Howlgalka Xaslinta”,+Dhageyso

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga HCTV xaruntiisa Magaalada Magaalada ayaa sheegay  in howlgalka Xasilinta Caasimadda Muqdisho uu si wanaagsan ku socdo  wuxuuna xusay inay jirana dad cabashi ka keenay.

Wasiir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan aqbali doonin shaqsiyaadka is hor istaaga ku sameynaya howlgalka Xasilinta Caasimadda magalada Muqdisho, islamarkaana talaabo laga qaadi doono cidii arintaas ku cadaado.

“Cida ama cidii ka hor timaada, ama isku dayda inay ka dhega adeegto xasilinta Caasimada iyo amni soo celinta ama siyaasaneyneysa, cid laga yeelayo ma lahan, dowladda Soomaliya waxaa ka go’an in dalka amnigiisa la soo celiyo, ma jiri doonto  cid ku owr-kacsan karta iyo beel hebel aanay jirin, isla markaana ay xukuumadda ka go’an tahay fulinta arrintan”, ayuu yiri wasiir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

“Dowladda sharciyad ayaa loo siiyay, in dalka amnigiisa la soo celiyo, cid looga aabayeelayo ma jirto, cid ku owr-kacsan karta ma jirto, beelo iyo wax kale, xukuumadda waxaa ka go’an in dhaqankii hore wax laga bedelo, dhaqan fowdo iyo in caasimada amnigeeda la soo celin waayo, mar dambe in la maqli ma rabo, cid alla cidii rabta ee ku nooleyd fowdada, walina rabta fowdada, is bedelka diidan, waxaa dan idin ku jirtaa is bedelka, intaa fiirineysaan dan shaqsiyadeed waxaa ka muhiimsan danta shacabka”ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Tan iyo markii ay Ciidamada Xasilinta Amniga  Magaalada Muqdisho ay bilaabaan howlgalka hub ka dhigista waxaa jirey beelo iyo siyaasiyiin ka hor imaanayay go’aanka dowladda islarmaana diiday in ay hubka wareejiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here