Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in gaari ay la socdeen Ciidamada ilaaladda Degmadaas in qarax miino oo dhulka la galiyay in lagula eegtay Xaafada Kaaba Godey ee Degmadaas.
Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir, goob-joogayaal ayaa idaacdda Simba u sheegay in qaraxa uu waxyeelo uu u geystay Ciidamada Ilaaladda Degmada Dharkinley.
ilaa 2-askari ayaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kalana inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno Maamulka Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

