Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku Hanjabay in la Sii Wadi doono dagaalada Al-shabaab

0

Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo Hadal kooban ka jeediyay 52-sano guuradii kasoo wareegatay markii dowlada Kenya ay xurnimadeeda  ka qaadatay dowlada ingiriiska ayaa sheegay in dowlada Kenya ay wali diyaar u Tahay dagaalada ay kula jirto xarakada al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta,

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo wadamada bixiya deeqaha in ay Kenya ku garab siiyaan la dagaalanka al-shabaab oo marar badan weerar kusoo qaaday Gudaha wadanka Kenya iyadoona ku dishay dad u dhashtay dalka Kenya,

Xaflada sanadguurada waxaa sidoo kale kasoo qeyb Galay Madaxweynaha wadanka Liberia’ Ellen Johnson Sirleaf isagoona sheegay in dowlada Liberia’ ay dowlada Kenya ku gacan siin doonto la dagaalanka xarakada al-shabaab,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here