Wararka haatan Naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu Gudaha Magaaladaas uu ka Bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyo wada daga Magaalada Beledweyne.
Wariyaha Magaalada Beledweyne ee ee Radio Simba Maxamed Ibraahim siyaad Jarmal ayaa kusoo waramaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan goor dhaweydna uu ka Bilowday Gudaha Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa intiisa badan ka socda Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen dagaalo beeleedyo.
Wixii kusoo kordha simbanews.com


Abdi Quuri liked this on Facebook.