Dhageyso: Gudiga Arimaha Gudaha Baarlamanka Soomaliya oo ku baaqay in Shirarka Hiigsiga laga Qeyb Galiyo Gobolada ka Maqan

0

Gudiga Arimaha Gudaha Baarlamanka soomaliya  ayaa ka Hadlay Barnaamijyada Hiigsiga sanadka 2016-ka oo mudooyinkii dambe ka soconayay qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya iyo Magaalada Muqdisho

Gudoomiye ku-xigeenka gudiga arimaha Gudaha ee Baarlamanka soomaliya xildhibaan daahir amiin jeesow oo warbaahinta kula Hadlay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan laga qeyb Galinin Barnaamijka hiigsiga loogu Hadlaayo  qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya,

Xildhibaan daahir amiin jeesow waxa uu sheegay in hadii aan laga qeyb Galin Gobolada haatan ka maqan shirarka hiigsiga sanadka 2016-ka ay sababi doonto In Goboladaas ay ka go’aan soomaliya inteeda kale,

Gudoomiye ku-xigeenka gudiga arimaha Gudaha ee Baarlamanka soomaliya waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud in uu wax ka qabto arinta ku aadan in aan shirarka hiigsiga sanadka 2016-ka aan laga qeyb galinin qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya,

Dhanka kale qaar kamid ah  xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa ka soo horjeystay go’aan uu qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale ) oo ah in uu si sharci daro ah kaga iibiyay shaqsi soomaliyeed xaruntii Hore ee Ex Baarlamankii Hore ee degmada Boondheere,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here