Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in uu bisha Junuary uu dhaqaaqayo soo xiro Galinta weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema.
Kooxda arsenal ayaa mudooyinkii dambe lala xiririnaayay soo xiro galinta kaptanka ku xigeenka xulka dalka France ee Benzema madaama waayihii dambe hoos u dhac uu ku Yimid qaab ciyaareedka xidiga Olivier Giroud.
Laakin Macalinka oo ka duulaya bandhiga wanaagsan ee xidiga Olivier Giroud ayaa sheegay in aysan kooxdiisa u baahneen Benzema Madaama Olivier Giroud uu sadaxley dhaliyay kulankii ay ka guuleysteen kooxda Olympiakos Tasoo ka dhigan in xidigaan uu dhaliyay 13-goal 24-kulan uu kasoo muuqday kooxdiisa Arsenal

