Ala Ha u Naxariistee waxaa magaalada beledweyne Galabta ku geeriyooday Nabadoon Maxamed Maxamuud Cali(Garabeey) oo maanta ku dhaawacmay dagaal galbeedka Magaaladaas ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo maleeshiyaad la magac baxay West Land.
Taliyaha Ciidamada Booliska Magalada Beledweyne Korneel Bidaar oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Nabadoon-ka uu ku dhaawacmay rasaasta ay isweedaarsanayeen Labada dhinac, islamarkaana uu galabta ku geeriyooday isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Magalada Beledweyne Korneel Bidaar ayaa sheegay in xaaladda ay caawa tahay mid aad u dagan islamarkaana uu joogsaday dagaalkii u dhaxeeyay labada dhinac.

