Macalinka kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa saxaafada u sheegay in ay kooxdiisa waayi doonto xidigaha daafacyada ka ciyaara ee Chris Smalling iyo Matteo Darmian kulanka ay maalinta Bari ah booqan doonaan kooxda Bournemouth kadib dhaawac soo gaaray xidigaha
Daafaca heerka caalami ee xulka dalka Talyaaniga Darmian ayaa laga saaray ciyaartii ay kooxda Manchester United ay guuldarada kala kulantay kooxda Wolfsburg xili Smalling uu dhaawacyo sheegtay saacado kadib,
Macalinka reer Holland Luis Van Gaal oo maanta oo jimco ah saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ay dhaawacyo ku Maqnaan doonaan kulanka ka dhacaya Garoonka Vitality Stadium, Halka Morgan Schneiderlin uu dib kooxdiisa ugu soo laaban doono

